Dibadbaxyo ka dhacay magaalada Qaahira ee dalka Masar

Ciidamada Booliiska wadanka Masar ayaa waxay adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala ceyriyaan dibadbaxayal isugu soo baxay magaalada Qaahira.
Dibadbaxyadani ayaa looga soo horjeeda madaxweynaha dalka Masar Cabdul Fattax al-Sisi
Waa dibadbaxii ugu horreeyya ee Masar ka dhaca tan iyo intii uu xukunka la wareegay madaxwayne Cabdul Fattax al-Sisi.
Dad tiro badan ayaa isugu soo baxay fagaaraha weyn ee Taxriir magaalada Qaahira oo ahayd goobtii uu ka bilaabmay kacdoonkii Masar ee sanadkii 2011-kii xukunkana looga tuuray Xusni Mubaarak.
Dibadbaxyaashan ayaa sido kale ka careysan eedeeyn musuqmaasuq oo loo soo jeediyay xukumadda madaxweynaha dalka Masar Cabdul Fattax al-Sisi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here