Dibadbaxyo ka dhacay Talyaaniga

Waxaa caasimadda dalka Talyaaniga ee Rome isugu soo baxay dibadbaxayaal ka soo horjeedo isticmaalka maaskarada ama afxirka ee lagu xakameynaya faafitaanka fayraska corona.
Tani ayaa timid iyadoo wasaaradda caafimaadka ee dalkaas ay diiwaangelisay dhimasho cusub oo ka dhalatay cudurka COVID-19 oo ah 16.
Dhimashada guud ee Talyaaniga ayaa hadda ah 35,534.
Ugu yaraan 1,700 oo ah kiisas cusub ayaa la xaqiijiyay waxayna hadda tirada guud ee xaaladaha coronavirus ee Talyaaniga yihiin 276,338 .
Guud ahaan caalamka waxaa uu cudurka COVID19 haleelay in ka badan 26.8 milyan oo qof, waxaa u dhintay ugu yaraan 879,000 halka 17.9 milyan oo qof ay caafimaadeen sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins University.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here