Dibadbaxyo ka socda magaalada Garissa kaddib dilkii loo geytsay shalay laba qof

Waxaa magaalada Garissa ka socda dibadbaxyo ay dadka kaga jawaabayaan dhacdo shalay suuqa xoolaha ee magaalada Garissa ku dhinteen laba qof.
Dilka labadaasi shakhsi ayaa waxaa lagu eedeynaya saraakiisha booliska. Sida uu inoo xaqiijiyay Wakiil Wareedka Star FM ee Garissa waxaa socda baaritaanka ku aadan meydka laba qof oo dhakhtiirta dowladda iyo saraakiil kale ay imika ku suganyihiin isbitalka magaalada Garissa.
Dhimashada labadas qof waxa loo qabtay Laba sarkaal oo boolis ah oo lagu eedeynayo inay dilka geysteen .
Booliska ayaa saaka qoraal ay soo dhigeen bogooda Twitterka waxay ku sheegeen in taliyaha booliska Hilary Mutayambai uu amray agaasimaha arrimaha gudaha booliska Maxamad Amun inuu sida ugu dhakhsiyaha badan bilaabo baaritan.
Sido kale booliska ayaa amray waaxda DCI-da inay xaqiijiyaan rasaaska la adeegsaday.
Maamulka madaxa baanan ee dusha kala socda howlaha booliska IPOA ayaa daahfuuray baaritaanka dilka laba qof.
War saxafadeed ay shalay soo sareen IPOA ayaa ku xusan in saraakiil ka tirsan mamuulka ay gaareen magaalada Garissa, Waxayna sheegeen in marka ay dhameeyaan baaritaanada ay soo saari doonnaan soo jeedin oo ay ka mid tahay in dacwad lagu soo oogo saraakiisha dilka geysatay hadii lagu cadeeyo dambiga.
IPOA ayaa ugu yeertay shacabka inay xasilooni muujiyaan oo ay mamuulka u soo gudbiyaan dambi walba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here