Dibadbaxyo looga soo horjeedo shirkadda korontada dalka oo ka dhacay Nairobi

Ciidamada booliska ee dalka ayaan maanta ku guulaysan inay sunta dadka ka ilimeysiisa ku kala eryaan qaar ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada iyo xuquuqul aadanaha oo isugu soo baxay caasimadda dalka.
Waxay dhigayeen dibadbaxyo ay ku muujinayaan sida ay uga xunyihiin musuqmaasuqa ay sheegeen inuu hareeyay shirkadda korontada dalka ee KPLC.
Kooxdan ayaa cabasho u gudbiyay baarlamaanka iyo sido kale xafiiska madaxweynaha dalka.
Shalay ayay ahayd markii guddiga tamarta ee aqalka sare uu hor tagay agaasimaha guud ee KPLC ,Jared Othieno oo su’aalo la weydiiyay.
Waxaa uu ka jawaabayay su’aalo ku saabsan khiyaano la sheegay in lagula kacay qaar ka mid ah macaamiisha oo adeeg aynan isticmaalin uu qarash uga baxay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here