Dibadbaxyo looga soo horjeedo shuruucda shaqooyinka oo ka dhacay Indonesia

Boqolaal ka mid ah shaqaalaha dalka Indonesia ayaa maanta dibadbaxyo ka dhigay caasimadda wadankaas ee Jakarta.
Iyagoo adeegsanaya mootooyin ayay madaxweyne Joko Widodo ugu baaqeen inuu meesha ka saaro sharci cusub oo muran dhaliyay oo la xiriira shaqooyinka .
Muranka arrinkan ka taagan ayaa galay toddobaadkii labaad.
Dadka dibadbaxyada sameynaya ayaa ku doodaya in sharcigan uu caqabad ku yahay xuquuqda dhanka shaqada sido kalena uu wiiqaya ilaalinta deegaanka.
Madaxweyne Widodo ayaa sharcigan cusub difaacay isagoo xusay in dadka dhaliilsan ay war sax ah helin.
Cid kasta oo ka soo horjeedda arrintan ayuu kula taliyay inay maxkamadda dacwad u gudbiso.
Sharcigan cusub ayaa la soo saaray kaddib dib u eegis lagu sameeyay in ka badan 70 xeer oo horay u jiray waxaana qodobada uu taabanaya ka mid ah saacadaha shaqo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here