Dibadbaxyo saameeyay bangiyada oo ka dhacay Lubnaan

Wararka naga soo gaaraya dalka Lubnaan ayaa sheegaya in xalay ay halkaas ka dhaceen dibadbaxyo lagu bartilmaameedsaday bangiyada.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dab la qabadsiiyay ugu yaraan 12 bangi.
Mudaaharaadyada ayaa habeenkii labaad xalay la sameeyay.
Dadka dhigaya ayaa ka careysan xaaladda dhaqaale ee wadankaas oo uu hoos u dhac ballaaran ka jiro.
Boqolaal dibadbaxayaal ah ayaa waddooyinka isugu tagay saraakiisha ammaanka ayaana qaar ka mid ah gacanta ku dhigay.
Dibadbaxa ugu daran oo lagu tilmaamay mid rabshadeysan ayaa dhacay kaddib markii nin magaciisu lagu sheegay Fouaz al-Semaan oo dibadbaxayaasha ka mid ahaa uu u geeriyooday dhaawac shalay ka soo gaaray toogasho ay saraakiisha ammaanka u gaysteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here