Dibloomaasi u dhashay Turkiga oo lagu dilay dalka Ciraaq

33

Diblomaasi u dhashay wadanka Turkiga ayaa lagu dilay maqaayad ku taala wadanka Ciraaq kadib markii ay soo weerareen dableey hubaysan.
Maqaayada la weeraray oo lagu magacaabo Huq Qabaz ayaa ku taala caasimada gobolka Kurdish ee dallka Ciraaq.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga waxay galabta xaqiijisay in 3 Muwaadin oo Turkish lagu dilay maqaaxi ay ka cunteynayeen oo ku taala magaalladda Irbil ee Maamul-gobaleedka Kurdistaan ee Waqooyiga dalka Iraq.
Ugu yaraan 3 qof ayaa la toogtay oo ayna ku jiraan shaqaale ka tirsan qunsuliyadda Turkiga ee dalka Ciraaq.
Ilo-wareed ayaa sheegayo in mid ka mid ah Dableydii weerarka geysatay la dilay, halka ay Ciiddanka Maamul-gobaleedka Kurdistaanka ku raad-joogaan 2 kale oo ka mid ahaa Maleeshiyadda geysatay weerarka, kuwaasi oo baxsaday.
Ma jirto koox si degd eg ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi lagu qaaday huteelka Huq Qabaz ee dalka Ciraaq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here