Digniin loo diray dadka ku nool gobolka Bari.

Guddoomiyaha Gobolka Bari ee Maamul goboleedka Soomaaliyeed Puntland Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaanka) ayaa sheegay in dhowr jeer ay Bulshada ku nool Gobolka Bari kala hadleen inaan khalqal la gelin horumarka iyo Amniga ka jira gobolka,hayeeshee ay jiraan tiro yar oo diidan hormarka gobolkaasi.
Waxa uu Xusay inay jiraan dad diidan horumarka iyo Amniga Gobolka Bari oo meelo kale fariimo looga soo dhiibayo sida uu hadalkiisa u dhigay,balse ka maamulahaan aysan marnaba aqbali doonin in dadkaas dhibaatada wada ay gobolka waxyeeleeyaan.
Waxaa uu ku hanjabay inay tallaabo ka qaadi doonaan dad uu sheegay in meelo kale laga soo xawilay,kuwaas oo diidan horumarka Gobolka Bari sida uu hadalka u dhigey.

Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdi samad Abwaanka ayaa Wuxuu kusoo aadayaa xilli maalmihii la soo dhaafay uu jiray khilaaf u dhaxeeyey Odayaasha Gobolka Bari iyo Xukuumadda Puntland,isla markaana Xabsiga la dhigay tiro Odayaal ah oo dhaliilay maamulka uu hogaaminaya Saciid C/laahi Deni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here