Digniin loo diray dadka ku xadgudba xayiraadaha Covid-19

Madaxweynaha dalka ayaa digniin u diray dadka ku xadgudba xayiraadaha CoronaVirus xili shalay uu hoggaamiyaha dalka khafiifiyay bandowga iyo goobihii u xirnaa caabuqa dartiisa.
Madaxweyne kenyaatta ayaa ugu baaqay Kenyaanka inay ilaaliyaan wakhtiga bandowga oo ayna howlahooda qabsadaan ka hor inta la gaarin.
Mr Kenyaatta ayaa gaar ahaan digniin adag u diray dadka aadaya baararka si ay damaashaad ugu tagaan halkaas isagoona u sheegay in talaabo adag laga qaadi doono hadii ay baararka ku gaaraan ilaa 10-ka habeenimo.
Shalay ayay ahayd markii uu madaxweyne Uhuru Kenyaatta ku daray wakhtiga bandowga iyadoona uu bilaaban doono 11-ka habeenimo waxaa uuna ku egyahay 4-ta arroornimo.
Baararka iyo goobaha laga cunteeyo waxaa loo ogolyahay inay shaqaystaan ila 10-ka habeenimo.
Hoggaamiyaha ugu sareeya ee dalka ayaa sheegay in dhaqaalaha uu soo kabsanayo wallow sidii la rabay uusan ahayn.
Dhaqaalaha dalka ayaa hoos u dhacay tan iyo markii xayiraadaha adag dalka lagu soo rogay taas oo uu keenay xanuunka CoronaVirus.
207 maalmood ayuu dalkani Kenya la daala dhacaya cudurka COVID 19 iyadoona ay u dhinteen 700 oo ruux halka uu ku dhacay 38,168.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here