Digniin loo diray siyaasiyiinta ku lugta yeeshaa rabshadaha

Guddiga La-talinta Amniga Qaranka dalka (NSAC) ayaa sheegay maanta in siyaasiyiinta doonaya inay qabtaan isku soo baxyada dadweynaha looga baahan yahay inay 3 maalmood ka hor ku soo wargeliyaan Saldhigga booliska ugu dhaw halka ay isku soo baxyadda ku qabanayaan.
Waxaana loogu baaqay siyaasiyiinta inay raacaan talooyiinka iyo amarada ay u soo jeediyaan taliska ciidamada booliska.
Madaxa Adeegga Dadweynaha Joshua Kinyua ayaa ku dhawaaqay in siyaasiyiinta ay raacaan habka wanaagsan oo ay ku qabsan karaan isku imaatinka.
Tan ayaa timid maalmo un ka dib markii ismamaulka Muranga ay ka dhaceen rabshado siyaasadeysan taas oo ay ku nafwaayeen 2 ruux.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here