Dowladda oo u digtay isbitaallada qiimo sare ku iibinaya agabka caafimaad

Dowladda dhexe ayaa waxay soo saartay digniin ay u dirayso maamullada isbitaallada sida gaarka ah loo leeyahay ee qarashaad ka badan inta rasmiga ah ka qaadaya dadweynaha isaga shakiya cudurka Covid-19 ee loo yaqaano Coronavirus.
Xoghayaha sare ee wasaaradda caafimaadka ee dalka u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Mercy Mwangangi ayaa digniintan soo dirtay.
Waxay sheegtay in loo soo gudbiyay cabashooyin badan oo hadda uu gacanta ku haya golaha adeegyada caafimaadka ee dalka.
Gudaha wadanka waxaa ilaa iyo hadda laga xaqiijiyay 142 kiis oo ah dad uu haleelay cudurka Covid-19.
Waxaa cudurka u dhintay afar qof halka afar kalena ay ka bogsadeen.
Shalay ayay ahayd markii dowladda dhexe ay amartay in qofkii cudurka u dhinto la aaso muddo 24 saacadood gudahood ah.
Sido kale Kenya ayaa billowday in gudaha wadanka lagu sameeyo maaskaro ama marada sanka lagu xirto.
Shirkad ku taalla ismaamulka Kitui ayaa maalin kasta oo saaraysa 25,000 oo xabbo oo maaskaro ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here