Diiwaan galinta xubnaha u tartamaya Guddoonka Baarlamaanka K/Galbeed oo Maanta bilaabaneysa

Waxaa Saacadaha soo socda lagu wadaa in Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ahna Caasimada KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliyeed ay ka bilaawdaan diiwaangelinta musharixiinta u taagan qabashada xilka guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Guddiga doorashooyinka gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa shalay ku dhawaaqey shuruudaha laga doonayo qof walba oo musharax ah iyo xilliga ay dhaceyso doorashada afhayeenka Baarlamaanka maamulkaasi.
In kastoo weli aysan jirin musharaxixiin si rasmi ah isugu soo taagay xilka Guddoomiyaha & guddoomiye kuxigeenada Baarlamaanka K/Galbeed marka laga reebo hadalheyn ku aadan in Cali Saciid Fiqi Safiirkii Soomaaliya ee Midowga Yurub uu kamid yahay Xubnaha Musharixiinta ayaa waxaa warar la helayo ay sheegayaan in Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed ay kamid noqon doona musharixiinta xilalkaas doonaya.
Diiwaangelinta musharixiinta Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo labadiisa kuxigeen ayaa ku eg Maalinta beri ah,iyadoo doorashada la filayo inay dhacdo 1-ka April oo ku beegan Arbacada soo socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here