Dil Balanbal ka dhacay oo laga heshiiyay

Beelaha dega degmada Balanbal ayaa ka heshiiyey dil qof loogu geeystay deegaan degmadaasi hoostaga dabayaaqadii sannadkii dhamaaday ee 2019-kii.
Odayaasha labada dhinac ayaa kala qaatay diyada ninka la dilay ee ugu danbeeyey kaas oo magta laga bixiyey ay ahayd qiimaha boqol neef oo geel ah.
Ciidamada milatariga dowladda federaalka soomaaliya ee qaybta 21-aad ayaa horay u kala dhex galay maleeshiyaadka labada beel kaddib markii ay dilal iyo weerarro isu geeysteen waxaana heshiis ay garwadeen ka ahaayeen lagu kala sixiixday in qofkii qof dila isagana la toogto balse falkii u danbeeyey dadkii dilka geeystay lama marsiin heshiiskii ahaa dil .
Nabadoon Assad Cartan Sheekhdoon oo ka mid ahaa odayaashii diyada bixiyey ayaan ka wareysanay xalka laga gaaray dilkii u dambeeyey ee degmada Balanbal loogu geeystay qof ka mid ahaa xoola dhaqatada deegaanka wuxuuna khadka taleefoonka ugu warramay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here