Dil Beledweyne ka dhacay oo dad loo qab qabtay

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa howlgal qorsheysan oo dad lagu soo qab qabtay ka fuliyay Xaafado ka tirsan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Ciidamada ayaa sigaar ah waxaay howlgalkaan uga fuliyeen Xaafadaha Kooshin iyo Xaawo taako, waxaana la sheegay in howlgalka uu salka ku haayo kaddib markii Xaafadda Xaawa Taako ee Magaalada Beledweyne lagu dilay Guddoomiyahii Deegaanka Hees Cabdullaahi Bilig-Bilig.
Ciidamada ayaa baaritaano ku sameeyay Guryaha qaar ee Xaafadaha Kooshin iyo Xaawo taako, iyadoo howlgalkaas lagu qabqabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaasoo lagu xiray Saldhiga Ciidamada Booliska degmada Beledweyne.
Taliyaha Qeeybta Booliska Gobolka Hiiraan Korneel Isaaq Cali Cabdulle ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada howlgalka waday ay dad u qabteen dilka loo geystay Guddoomiyahii Deegaanka Hees , sidoo kalena ay ku raad joogaan mid kamid ah raggii dilka geystay oo Ciidamada ay dhaawaceen.
Wararka laga helayo Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay sheegayaan in weli meelaha qaar ay Ciidamada howlgallada ka wadaan, iyada oo loo diidayo inay tagaan Gaadiidka noocyadiisa kala duwan.
Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa bilihii la soo dhaafay amnigeeda waxaa uu ahaa mid aan wanaagsaneyn, waxaana ka dhacay dilal loo geystay askar iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here