Diyaar-garoow sidee ayaa Mandera ka jiro?

Guddoomiyaha dowlad deegaanka Mandera , Cali Ibraahim Roba ayaa kormeer uu sameeyay kaddib waxaa uu faahfaahiyay tallaabooyinka ay qaadeen ee ku aaddan la hor tagga iyo maareynta kiisaska cudurka Covid-19 waxaa uuna dhanka kale shacabka ugu baaqay inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.

Qoraal uu saacado ka hor soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayuu Mr. Roba ku sheegay in isbitaalka weyn ee Mandera uu noqonaya halka xudunta u ah ka falcelinta coronavirus.
Waxaa uu isbitaalka lahanayaan ilaa 14 sariiro ah .
Barasaabka ayaa sheegay in kastoo uu jiro gaabad dhanka sariiraha , oxsijiinka iyo nafaaska hasa ahaate xaruntaas caafimaad ay diyaar tahay.
Guddoomiyaha Mandera waxaa uu xusay in lagu howlan yahay diyaarinta xaruntan ooh adda howlaha ay heer sare marayaan mar dhowna la dhameystiri doono.
Barasaabka ayaa xusay inay sido kale diyaariyeen xarunta caafimaad ee Kamoor dispensary oo 47 sariir qaadaysa..
Cali Ibraahim Roba ayaa sido kale qoraalkiisa ku sheegay in qeybta xaaladaha degdegga ee ICU iyo HDU ay diyaar ku yihiin xarunta lagula tacaalo shilalka iyo xaaladaha degdegga.
Isbitaalka weyn ee Mandera iyo degmada Ceelwaaq ayuu Cali Roba shaaca ka qaaday in qeybta xaaladaha degdegga ee ICU-da ay qaadayso 10 sariir halka midda kale ee HDU loogu talagalay ilaa 5 sariir.
Sido kale waxaa qeybahan magaalada Mandera iyo Ceelwaaq ka howlgalaya guud ahaan ilaa 14 kalkaaliyaal oo la tababaray.
Dowladda ismaamulka Mandera ayaa ku dadaalaysa inay diyaariso ilaa 335 oo ah sariiro lagu seexin karo dadka uu cudurka Covid-19 soo rito.
Meelaha gaarka ah ee dadka lagu karantiilaya ee Mandera ayaa waxay kala yihiin Mandera County Referral Hospital ,Kamor Dispensary iyo Rehabilitation centre oo saddexduba ku yaalla deegaanka bariga Mandera Girisa ( waqooyiga Mandera ), Banisa, Takaba ( galbeedka ), Ceelwaaq (Koonfurta ), Kutulo iyo Lafey.
Sido kale xarun kale oo qaadaysa ilaa 15 sariir ayaa laga sameeyay machadka lagu barto culuunta caafimaad ee KMTC.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here