Diyaarad ay lahayeen ciidamada booliska dalka oo ku burburtay ismaamulka Meru

Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ee loo yaqaanno helikobtarka ayaa ku burburtay deegaanka Kaithe ee ismaamulka Meru waxaana dhawacyo soo gareen lix ruux oo saraakiil ku jireen oo diyaaradda saarnaa
Helikobtarka ayaa waxaa lahaa waaxda adeega booliska ee dalka.
War kaso baxay waaxda adeega booliska ayaa lagu sheegay in laba duuliye iyo afar sarkaal ee saarna diyaaradaasi iminka lagu daaweynayo isbitaalka Meru Referral Hospital.
Waaxda ayaa inta ku dartay in diyaarad qaas ah laga diray Magaalada Nairobi sii dhawacyada loogu qaado isibitaalka guud ee Kenyatta.
Saraakisha amaanka ee diyaarada saarna ayaa uu socday magaalada Sololo ee ismaamulka Marsabit halkaasi oo ay uga qayb gali lahaayen shir kusaabsan amaanka.
Shacaabka deegaanka Kaithe ee ismaamulka Meru ayaa sheegay in ay iyaaga dhaawacyada kaso saaren gudaha burburka diyaaradda kaddib markii ay diyaaradaasi dhacday.
Waxaa la aaminsan yahay in cimilaada oo xumeyd awgeed ay sababtay burburka diyaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here