Diyaarad gargaar sita oo Hargaysa gaadhay

Wararka laga helayo Magaalada Hargeysa ee Caasimada Soomaaliland ayaa waxaay sheegayaan in halkaasi ay saakay ka degtay diyaarad sida gurmad kala duwan oo dhinaca Caafimaadka ah,kaasoo loogu talo galay ka hortaga Cudurka COVID 19 oo labo qof oo qaba laga arkay deegaanada Soomaaliland.
Diyaaradaan ayaa la sheegay inay ka timid wadanka Imaaraadka Carabta,waxaana la sheegay inay wado qalab Caafimaad oo ay ugu deeqeen Soomaaliland,kuwaasoo looga hortagayo Cudurka Coronavirus ee aduunka dhan Saameeyay.
Deegaanada Soomaaliland ayaa dhawaan waxaa laga helay laba kiis oo qaba Cudurka Coronavirus,iyadoo shalay Guddiga ka hortaga Cudurkaan ay sheegeen in dhawaan la keeni doono qalabka lagu baaro Cudurka si dadka baaritaanka lagu sameeyo gudaha looga soo saaro natiijadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here