Diyaarad ku burburtay Afghanistan

Bayaan uu soo saaray milatariga Maraykanka ayaa lagu sheegay in laba ka mid ah ciidamadiisa ay ku dhinteen burbur diyaaradeed oo ka dhacay dalka Afghanistan.
Diyaaraddaasi ayaa ahayd nooca qummaatiga u kaca ee loo yaqaano helikobtarka.
Waxaa qoraalka qeyb ka ah inay socdaan baaritaano ku aaddan sababta rasmiga ah ee keentay in diyaaraddu ay soo dhacdo.
Hasa ahaate natiijada hor dhaca ah ee baaritaanada ayaa tilmaamaysa in cadow uunan ku lug lahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here