Diyaarad laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed oo kormeer ka sameysay jasiirado lagu muransanyahay

Mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu soo warramayaa inay maanta oo tallaado kormeer ka sameysay jasiirado maamul ahaan lagu muransanyahay.
Waxaa jasiiradahaasi isku haysta xukuumadda Seoul iyo dowladda Japan.
Madaxweynaha dalkaasi Moon Jae-in ayaa kormeerka la sameeyay waxaa uu ka sheegay munaasabad lagu xusayay xilligii la billaabay milatariga Kuuriyada Koonfureed .
Waxaa uu xusay in nooca diyaaradaha ee F-15K ay kormeer ka sameyeen jasiiradaha Dokdo iyo Takeshima.
Dhanka kale dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa soo bandhigtay diyaaradaha nooca F-35 oo dhawaan ay soo iibsatay.
Madaxweyne Moon ayaa caddeeyay in xeerarka siyaasadeed ee uu kula macaamilayo Kuuriyada Waqooyi aynan wax saameyn ah ku yeelan doonin hannaanka difaaca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here