Diyaarada dad ku xayirnaa Turkiga Xalay Muqdisho gaysay

Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay kasoo degtay Diyaaradda Turkish Airways oo keentay dad Soomaali ah oo ku xayirnaa Gudaha dalkaasi Turkiga,kadib markii la hakiyey duulimaadyadii Caalamiga ahaa.
Diyaaradda ayaa keentay dad tiro ahaan lagu sheegay 58 qof oo ay kamid ahaayeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Dad Shacab ah oo muddo ku xayirnaa wadankaasi Turkiga.
Weli waxaa jira Soomaali kale oo ku xayiran Gudaha Magaalooyin kamid ah dalka Turkiga,kuwaasoo ay saameyn ku yeelatay joojintii duulimaadyada Caalamiga ah sababo la xiriira Cudurka Coronavirus oo dunida oo dhan Saamayn weyn ku haya.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga Amb. Jaamac Caydiid ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga dadaalka ay ku bixisay in dadkaasi dib loogu celiyo dalkooda Hooyo.
Dhanka kale Diyaaradda Turkish Airways ayaa isla xalay waxaay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ka qaaday dad ù badan muwaadiniin Turki ah iyo Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo la sheegay inuu u baxay howlo Caafimaad.
Wararka kale ee la helayo ayaa waxaay sheegayaan inay jiraan Soomaali farabadan oo wali ku xayiran dalalka Turkiga,Imaaraadka Carabta iyo kuwo kale,kuwaasoo la filayo in iyana diyaarado gaar ah ay Muqdisho geeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here