Diyaarada Dhakhaatiir iyo daawoyin sida uu Muqdisho ka degta.

Maanta ayaa lagu wadaa in dalka Turkiga loo qaado qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay qarixii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Isgoyska mashquulka badan ee Ex-koontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.
Diyaarad sida dhaqaaatiir kala duwan oo ay soo dirtay dowladda Turkiga ayaa saaka soo gaartay Magaalada Muqdisho si dhaawacyada ugu daran ay ugu qaado dalka turkiga.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo booqday dhaawacyada qaar ayaa sheegay in Maanta diyaarada soo gaartay Muqdisho ay dalka Turkiga u qaadi doonto dadka ku dhaawacmay qarixii shalay.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Danjire Jaamac Cabdullahi Caydiid ayaa sheegay in dalka Turkiga isbitaallada ku yaalla looga diyaar garoobey dhaawacyada la geynayo,isla markaana dowladda Turkiga iyo Shacbaka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi ay kaalin wyen ka qaadan doonaan.
Qaraxa shalay Arroortii hore ka dhacay Isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay ku geeriyoodeen 79 qof tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen,hayeeshee wararka soo baxaya ay sheegayaan in dhimashada ay ka badna tahay 100 Ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here