Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo weeraray Sacuudiga’

95

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in diyaarado Drones ah (nooca aan duuliyaha lahayn) oo sida walxa qarxa ay maanta weerar ku qaadeen goobo saliidda laga soo saaro oo ku yaalla magaalada Riyadh.

Wasiirka Tamarta Sacuudiga ayaa sheegay in weerarkan oo lagu qaaday laba goobood oo saliidda laga soo saaro uusan gaysan wax khasaare ah oo hakad geliyey saliid soo saaristii.

KhalidAl-Falih ayaa war ay baahisay warbaahinta dowladda ku sheegay in weeraradan ay halis ku yihiin qeybinta saliida caalamka, islamarkaana loo baahan yahay in laga hortago “aragagixisada ka dambeysay ficilladan” oo ay ku jiraan kooxah Xuutiyiinta dalka Yemen ee Iran ay taageerto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here