Diyaaradaha dagaalka Turkiga oo weeraray goobaha maleeshiyada kooxda kurdiyiinta PKK ee waqooyiga Ciraaq

Diyaaradaha dagaalka ee Turkiga ayaa duqeeyay in kabadan 80 bartilmaamed oo ay ku suganyihiin maleeshiyada kooxda kurdiyiinta sida maanta ay sheegtay wasaarada difaaca.
Duqaaynta ayaa looga jawaabayaa weerarada kordhay ee lagu qaadayo saldhigyada ciidamada turkiga.
Taliska howlgalka wadajirka ah ee Ciraaq ayaa dhaleeceeyay tallaabada xuduudeedu waxayna ku tilmaameen “ficil kicin ah” iyaga oo dhanka kale ku eedeeyay ciidamada Turkiga in ay weerareen xero qaxooti.
Turkiga ayaa si joogto ah u bartilmaameedsadaa saldhigyada dagaalyahannada kooxda kurdiyiinta ee (PKK), oo ku yaala labaduba ku yaal koonfur Bari Turkiga iyo waqooyiga Ciraaq.
Ma jiro war ka soo baxay ilaa iyo hadda dagalyannada kurdiyiinta.
Milatariga Ciraaq ayaa dhalleeceeyay weerarada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here