Diyaaradii ugu horaysay ee Imraaadka oo ka digtay dalka Israel

Duulimaadkii ugu horreeyay abid ee rakaab ka socda Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE) kuna socda Israel ayaa ku degay meel u dhow Tel Aviv, bil kadib markii dalalku kala saxiixdeen heshiis caadi ka dhigaya xiriirkooda.
Diyaaradda nooca Etihad Airways ee EY 9607 oo ka duushay Abu Dhabi ayaa subaxnimadii hore ee Isniinta ka degtay garoonka diyaaradaha Ben Gurion oo ay la socdaan shaqaalaha kaliya, afhayeenad u hadlaysa Hay’ada Duulista Hawada ee Israel ayaa sidaasi u sheegtay wakaaladda wararka ee AFP
Diyaaradda ayaa soo qaaday xirfadlayaal dalxiis oo u dhashay Israel, kuwaas oo Imaaraatka booqasho labo maalmood ah ku joogaya.
Shirkadda diyaaradaha ee Imaaraatka ayaa sheegtay inay sameysay “taariikh”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here