Diyaarado Duqaymo ka Fuliyay gobolka Gedo

Warar dheeraad ah ayaa waxaay kasoo baxayaan duqeymo diyaarado ay ka geysteen degaano ka tirsan gobolka Gedo, kuwaasoo la sheegtay inay geysteen khasaaro kale duwan.
Duqeymaha ayaa waxay diyaaraduhu ka fuliyeen degaannada kala ah Baliga Harakoobe. Yaaqle, Qabri-xaaji & Baliga Dhadhaable, kuwaasoo dhamaantood hoostaga degmooyinka Beled-Xaawo & Xarunta Gobolka Gedo ee Magaalada Garbahaareey sida ay baahisay warbaahinta gudaha Soomaaliya.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymahaas, waxaana wararka qaar ay sheegayan in hal ruux uu ku dhintay Afar kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhamaantood ah Shacab Xoolo dhaqato ah.
Degaannada ay duqeymaha ka dhaceen ayaa waxaa la sheegay inaysan ku sugneyn dagaalamayaasha Al-Shabaab oo mararka qaar duqeymo lala beegsado, hayeeshee dadka ku waxyeeloobay yihiin Shacab.
Maamulka Gobolka Gedo ugu Magacaaban dowladda Soomaaliya weli kama hadlin duqeymahaas,waxaana todobaadkii hore sidaan oo kale ay duqeyn ka dhacday degaano hoostaga degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Dhanka kale waxay Faah faahino dheeraad ah kasoo baxayaan qarax Maanta ka dhacay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu ka dhacay Goob ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku taalla degmada afgooye, sida ay sheegayaan wararka Soomaaliya ka imaanaya waxaana la Tilmaamay inuu khasaare kasoo gaaray Ciidamada & dad Shacab ah.
Goobjoogayaal ayaa waxaay sheegeen in qaraxa kadib ciidamada ku sugnaa halka uu ka dhacay ay muddo kooban joojiyeen isku socodka dadka iyo Gaadiidka wallow ay markii danbe dib u fureen.
Sidoo kale Ciidamada ayaa sameeyay howlgallo ay ku qabqabteen dad u badan dhalinyaro, oo badankood ay Ciidamada siidaayeen.
Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal qorsheysan, weeraro iyo qaraxyo ay mas’uuliyadooda sheegtaan Al-Shabaab sidoo kale waxaay Ciidamada amaanku ka Sameeyaan howlgalo is daba joog ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here