Donald Trump oo dhaliilay Shiinaha

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale dhaliil u jeediyay dowladda Shiinaha oo uu ku eedeynayo inaynan sida habboon uga falcelin caabuqa coronavirus ee dalkeeda ka soo billowday.
Trump ayaa ku doodaya in fayraska wax laga qaban karay inta uunan dunida kale ku sii fidin.
Waxaa uu xusay in maamulkiisa uu baaritaano qoto dheer ku sameeynaya sida ay wax u dhaceen.
Trump oo warbaahinta kula hadlay aqalka cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaa sheegay inaynan ku faraxsaneyn Shiinaha oo ayna jiraan siyaabo badan oo lagula xisaabtami karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here