Donald Trump oo markii ugu horeesay goob fagaare ah ku xirtay mask

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa markii ugu horraysay meel fagaare ah waxa uu ku xirtay mask tan iyo markii uu bilowday xanuunka safmarka ah ee fayraska korona.
Madaxweynaha ayaa waxa uu booqanayay isbitaalka milateriga ee Walter Reed ee ku yaal daafaha magaalada Washington, halkaas oo uu kula kulmay askar dhaawac ah iyo howlwadeennada caafimaadka.
“Markii horaba kama soo horjeedin mask-yada balse waxaan rumaysanahay in ay leeyihiin waqti iyo goob lagu xirto,” ayuu yiri mar uu ka sii baxayay Aqalka Cad.
Hore ayaa waxa uu u sheegay inuusan xiran doonin mask, iyadoo xirashada mask-ga uu uu ku dacaayadeeday ninka ay aadka isku hayaan Joe Biden ee ah musharaxa madaxtinimada ee Xisbiga Dimuqraadiga.
Hasayeeshee Sabtidii ayuu sheegay: “Waxay ila tahay markii aad isbitaal ku sugantahay, gaar ahaan goobtaas oo aad kula hadlaysid askar badan iyo dad, mararka qaarna waxaad la kulmaysaa dad ka soo baxay qolka qalliinka, marka waxa ay ila tahay waa wax wayn in mask-ga la xirto.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here