Donald Trump oo sheegay in la qaadayo tallaabo ka dhan ah soo galootiga

Mandatory Credit: Photo by Evan Vucci/AP/REX/Shutterstock (9896574k) President Donald Trump listens as he meets with Japanese Prime Minister Shinzo Abe at the Lotte New York Palace hotel during the United Nations General Assembly, in New York Trump, New York, USA - 26 Sep 2018

Madaxweynaha Maraykanka Mr. Donald Trump ayaa mar kale wacad ku maray in muddo hal toddobaad gudaheed ah la qaadayo tallaabo ka dhan ah soo galootiga.
In kastoo uunan faahfaahin dheeraad ah bixin, Trump ayaa xilli uu warfidiyeenada la hadlay sheegay inaan la oggolaanin doonin in Maraykanka lagu galo qaab sharci darro ah.
Mr. Trump ayaa intaasi raaciyay soo galootiga waa inay dib u laabtaan maadama si aan la oggolayn ay ku yimadeen.
Dhanka kale madaxweynaha Maraykanka ayaa ammaan u jeediyay maamulada dalka dariska la ah ee Mexico oo dhawaan qabtay ku dhawaad 800 oo tahriibayaal ah.
Hoggaamiyaha Maraykanka ayaa tan iyo intii uu xilka qabtay lagu dhaliilayay inuu la yimid xeerar adag oo ka dhan ah socdaalka sharci darrada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here