Dood sharciyeed oo ka dhalatay go’aan shalay ka soo baxay IEBC

Waxaa hadal hayn iyo dood sharciyeed ay ka dhalatay go’aankii shalay ka soo baxay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ee uu musharaxa xisbiga Jubilee ee dooraashada ku celiska , deegaanka Kibra magaaladatani Nairobi McDonald Mariga ugu oggolaaday inuu ka qeyb galo loolanka siyaasadeed.
Qaar ka mid ah garyaqaanada dalka sida xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Rarieda Dr. Otiende Amollo ayaa su’aal geliyay isbeddelka ku yimid mowqifkii hore ee IEBC.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii musharaxan lagu wargeliyay in magaciisa laga waayay liiska codbixiyayaasha ee dalka taasi oo keentay in laga mamnuuco inuu ka qeyb qaato tartanka lagu buuxinayo xilkii uu banneeyay Ken Okoth oo u geeriyooday cudurka Kansarka.
Hasa ahaate go’aankaasi ayuu racfaan ka qaatay waxaana mowqif ka duwan midkii hore la soo saaray kaddib markii cabashadiisa ay dhageysteen xubnaha guddiga IEBC u qaabilsan qaabilaadda iyo dhageysiga dacwadaha.
Sharciga dalka u degsan ayaa dhigaya in si qofku uu xil siyaasadeed ugu tartamo ay khasab tahay inuu codbixiye ahaan iskudiiwaangeliyay.
Guddigan oo uu guddoomiya ka yahay Mr. Wafula Chebukati ayaa shalay sheegay in meesha laga saaray go’aankii hore sidaasi awgeedna dadweynaha ay u xaqiijinayaan in Mariga uu yahay codbixiye iskadiiwaangeliyay deegaanka Starehe.
Mr. Chebukati ayaa sarkaalka IEBC u qaabilsan maareynta doorashada ku celiska ee deegaanka Kibra , Beatrice Muli ku amray inay sida ugu dhaqsiyaha badan dokumeentiyada habboon iyo shahaadada xulashada ku wareejiso Mariga.
Guddoomiyaha ayaa dhanka kale xusay in guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC uu wajahayo caqabado ay ka mid yihiin inuu cusbooneysiiyo diiwaankiisa taasina aan loo baahneyn inay carqaladeyso geedisocodka codeynta ku celiska ah.
Qareenada Mariga ayaa toddobaadkii hore sheegay in caddeeynta ay haystaan ay tahay warqaddii shaqaalaha IEBC ay siiyeen McDonald Mariga kaddib markii uu isdiiwaangeliyay taasi oo guddigu uu tixgeliyay.
Hasa ahaate Dr.Amollo ayaa ku doodaya in warqadda la cuskaday aynan caddeyn u ahayn in qofku uu codbixiye yahay.
Waxaa uu intaasi ku daray in warqaddaasi ay muujinayso oo keliya inaad codsatay in codbixiye ahaan lagu diiwaangeliyo.
Qareenka ayaa guddiga IEBC ka dalbaday inay Kenyaanka la wadagaan diiwaanganka laga helay magaca Mariga ee maalmo ka hor laga waayay.
Doorashada ku celiska ee deegaanka Kibra ayaa la qorsheeyay inay dhacdo 7-da bisha koow iyo tobnaad ee sannadkan waxaa uuna Mariga la tartamayaa Bernard Otieno oo loo yaqaano Imran Okoth oo matalaya xisbiga ODM, Eliud Owalo oo uu soo saaray xisbiga ANC iyo musharaxiin kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here