Dooni ku qalibmatay harada Lake Victoria oo ay dad ku dhinteen

Lix qof ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen kaddib markii dooni ay saarnayeen ay ku qalibmatay harada Lake Victoria habeenimadi Jimcaha.
Saraakiisha booliska ayaa waxay sheegeen inay arrintan ay ka dhalatay dabaylo culus iyo rar xad dhaaf ah.
Wararku waxay tilmaamayaan in 13 qof oo doonta sarnaa ay ka soo safreen jasiiradda Sigulu ee dalka Uganda islamarkaana ay ku sii socotay xeebta Sisenye ee deegaanka Budalang’i, ee ismaamulka Busia.
Dadka laga cabsi qaba inay dhinteen islamarkaana la la’yahay ayaa kala ah 3 kenyaan ah iyo saddex u dhalatay dalka Uganda.
Stephen Musee, oo ah guddoomiyaha waaxda maaraynta xeebta Sisenye, ayaa sheegay in 7 qof oo badbaaday la arkay iyaga oo dul sabeenaya biyaha waxaana soo badbaadiyay dad kallumeysata ah.
Waxaa uu intaa ku daray in haatan lagu daaweenaya isbitaalka.
Dhanka kale Taliyaha booliska deegaanka hoose ee Bunyala Jefferson Nyakundi ayaa sheegay in laba carruur ah, ay kamid yihiin dadka dhintay.
Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Budalang’i Raphael Wanjala ayaa balan qaaday inuu caawin doono qoysaska ay dhibaatada soo gaartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here