Dooni lagu la’yahay xeebaha gobolka Bari oo la baadi goobayo.

Ciidamada maamulk goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa lagu soo waramayaa inay wali Baadi goobayaan Labo doomood oo ay saaraayeen ilaa 13 qof oo isugu jiray Soomaali iyo ajanabi.
Mid ka mid ah doomahaan ayaa la sheegay inay saarnaayeen ilaa 8 qof oo shan ay muwaadiniin Soomaali ah ahaayeen halka sadexda kalana Ajanabi ahaayeen waxaa jira doon kale oo ay saarnaayeen ilaa shan qof wallow aysan masuuliyiinta maamulka puntland sheegin dadkaas dhalashadooda hadana ilaa iyo hada ma jirto wax war ah oo laga helay labadaas doomood iyo dadkii saarnaa.
Masuuliyiinta maamulka Puntland ayaa sheegay in ilaa iyo 30-kii bishii hore ay raadinayeen doomahaas wallow ilaa iyo hada aan wax aqbaar aj laga helin.
Wasiirka Kaluumaysiga ee maamulka Puntladn Faarax Maxamuud Xawaash oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in doonta sideeda qof la socdeen ay ka baxday Xeebaha magaalada Boosaaso ayna ku wajahnayd Magaalada Mukkallah ee dalka yemen ayna rumaysan yihiin inay cilad ku imaaday doontaas.
Wasiirka Kaluumaysiga maamulka Puntland ayaa sheegay inay Xiriiro kale duwan la sameeyeen midowga yurub ee ku sugan xeebaha Soomaaliya si ay garab ugu siiyaan helida dadka doontaas saarnaa ee wali la waysan yahay.

 

Masuuliyiinta maamulka Puntland ayaa dadka wali  eheladooda la’ayahay waxay ugu baaqeen inay is dajiyaan maadaama uu maamulku ku hawlan yahay sidii dadkaasi lagu soo heli lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here