Doorashada aqalka sare ee Masar oo dhacaysa bisha sideedaad

Dowladda Masar ayaa sheegtay in xubnaha aqalka sare ee wadankaas loo codeyn doono 11-12-ka bisha sideedaad ee sannadkan.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Lasheen Ibrahim .
Isbeddelo lagu sameeyay dastuurka Masar sannadkii hore ayaa horseeday in la soo dhiso gole senatarro ah oo ka kooban 300.
Saddex meelood laba meel senatarada waxaa dooranaya shacabka inta kalena madaxweynaha ayaa soo xulanaya.
Guddoomiyaha doorashooyinka ee Masar ayaa sheegay inay si weyn u ilaalin doonaan talooyinka iyo amarrada lagu xakameynaya faafitaanka cudurka COVID19.
Dhammaan codbixiyayaasha iyo saraakiisha ku sugan goobaha codbixinta waxaa laga doonaya inay maaskaro xirtaan oo aynan aad isugu dhawaan.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo gudaha dalka Masar laga diiwaangeliyay xaaladaha coronavirus oo ah ugu yaraan 72,711, iyo dhimasho dhan3,201.
Natiijada codeynta ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo 19-ka bisha sideedaad ee sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here