Doorashada dalka New Zealand oo dib loo dhigay

Ra’iisul wasaaraha wadanka New Zealand Jacinda Ardern ayaa maanta dib u sii dhigtay xilliga la qabanayo doorashada guud ee dalkaas.
Waxaa uu qorshuhu ahaa in codeynta ay dhacdo 19-ka bisha sagalaad ee sannadkan balse muddo ah ugu yaraan hal bil ay lagu kordhiyay.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo magaalada Auckland ay weli ka jirto xayiraad la saaray oo lagu xakameynaya faafidda kiisaska fayraska corona.
Go’aanka ra’iisul wasaare Jacinda Ardern ayaa yimid kaddib cadaadis ay saareen mas’uuliyiinta xisbiyada qaar oo ku doodaya inaynan sameyn karin olole siyaasadeed iyadoo ku dhawaad saddex meelood hal meel shacabka New Zealand ay xayiraad dhanka isku socodka ah saaran tahay.
Waxay haweeneydan sheegtay in doorashada guud ay dhici doonto 17-ka bisha Tobnaad ee sannadkan waxayna meesha ka saartay suurtagalnimada in codeynta mar kale dib loo sii dhigo.
Dalka New Zealand ayaa maanta laga xaqiijiyay 9 xaaladood oo cusub oo COVID-19 ah.
Tani ayaa tirada guud ee kiisaska cudurka ka dhigtay 1,280 halka dhimashadu ay tahay 22 .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here