Doorashada Duqa Istanbul oo la shaaciyay

81

Mucaaradka ayay guusha ku raacday doorashada duqa Istanbul ee dalka Turkiga oo la shaaciyay taasi oo muujineyso in dalka Turkiga ay ka dhici karto doorasho si weyn loogu tartamo.
Guusha Ekrem Imamoglu oo ahaa musharixii mucaaradka ayaa waji gabax xooggan ku ah madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo loo arki jirey in aan looga badin karin doorasho codeyn ah.
Degmada Uskudar ee Istanbul ayaa laga dareemay hoos u dhaca taageerada xisbigiisa loo hayo taas oo dhinaca Asia ka xigta.
Degmadaasi ayaa ahayd goobtii uu xisbigiisa ku xoogana madaxweynaha Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here