Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Galmuudg oo Maanta dhacaysa.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa Waxaa ka socda kulamo xasaasi ah oo ku aadan doorashada maamulkaasi iyo loolanka loogu jiro qabashada Kuraasta ugu Muhiimsan.
Waxaa lagu wadaa in Maanta oo Jimce ah ay Magaalada Dhuusamareeb ka dhacdo doorashada gudoonka Baarlamaanka labaad ee Maamul Goboleedka Galmudug maadaama ay shalay jeediyeen khudbadahooda.
7 Musharax ayaa u taagan qabashada xilka Guddoonka Baarlamaanka maamulka Galmudug,waxaana Guddoomiyaha Baarlamaanka u tartamaya Saddex Musharax oo kala ah,Dr. Maxamed Nur Gacal, Cabdinasir Aaden Cismaan iyo Cabdullaahi Axmed Calasow.
Sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa waxaa u taratamaya Saadaq Sheekh yuusuf & Cabdullaahi Xersi Maxamed,halka kuxigeenka labaad ay u tartami doonaan,Axmed Maxamed Maalin iyo faaddumo Cabdi Cali oo ah gabadha kali ah oo ka tirsan shaqsiyaadka doonaya inay gudoonka Baarlamaanka Galmudug noqdaan.
Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa aad looga dareemayaa doorashada lagu wado inay Maanta ka dhacdo,iyadoo Amniga guud ee Magaalada si aad ah loo adkeeyey,isla markaana lagu arkayo Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya oo si aada h u ilaalinaya amaanka iyo dhaqdhaqaaqa Magaaladaasi iyo deegaanada kala eek u heeran.
Xalay waxaa Magaalada Dhuusamareeb ka dhacay kulamo kala duwan oo musharixiinta guddoonka Baarlamaanka Galmudug ay codadka ku weeydiisanayeen xildhibaanada,iyadoo Magaalada ay kusii qul qulayaan wufuud kala duwan oo doonaya inay goob joog ka noqdaan doorashada iyo Kuwa xilal doonaya inay Helaan.
Dadka saadaaliya arimaha doorashooyinka Soomaaliya ayaa sheegaya in qofka maanta ku soo baxa gudoonka baarlamaanka Maamulka Galmudug uu sidoo kale Jihayn doono doorashada Madaxweynaha maamulkaasi taasoo sidoo kalena saamayn ku yeelan doonta doorashada qaran ee dhamaadka sanadkaan ka dhacaysa Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here