Doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle oo maanta dhacaysa

Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle ayaa manta lagu waddaa inay ka dhacdo Magalaada Jowhar , iyadoo si weyn loo adkeeyay Ammaanka Xaafaddaha ay Ka kooban tahay Magaalada Jowhar gaar ahaan agagaarka halka ay ka dhaceyso doorashada.
Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle ayaa ka Saamayn duwan midii ka horaysay maadaama ay aad u yaryihiin shaqsiyaadka u taagan Xilalka Maamulkaas ugu Sareeya oo ilaa Afar Musharax oo kali ah ay isku soo sharaxeen Xilalka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Hirshabeelle.
Doorashada maanta waxaa u taagan shaqsiyaadka kala ah :
Musharax Madaxweyne Kuxigeen Hirshabeele Maxamed Maxamuud Cabdule
Sidoo kale Qofka labaad ee u taagan Musharax Madaxweyne Ku Xigeen Hirshabeele waa Yuusuf Axmed Hagar Dabageed gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiran.
Musharax Madaxweynaha Hirshabeele waxaa u taagan Cali C/laahi Xuseen Guudlaawe oo afartii Sano ee la soo dhaafay ahaa Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaas sidoo kale waxaa Xilkaas Madaxweyne Hirshabeelle isna u taagan C/raxmaan Jimcaale Cismaan waana Aftaas Musharax shaqsiyaadka doonaya inay Buuxiyaan xilalka ugu sareeya Maamulka Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here