Doorasho baarlamaani ah oo maanta ka dhaceysa Tunisia

Shacabka Tunisia ayaa maanta oo Axad ah waxay ka qeyb qaadanayaan doorasho ay ugu codeynayaan xildhibaanada baarlamaanka wadankaasi.
Codeynta ayaa ah midii labaad ee la qabanayo tan iyo kacdoonkii sannadkii 2011-kii.
Baarlamaanka Tunisia ayaa ka kooban 217 kuraas ah waxay tani ku soo aadaysa saddex toddobaad kaddib markii uu dhacay wareegii koobaad ee doorashada madaxtinimo.
Dalka Tunisia waxaa ka jiro 220 oo ah xisbiyo siyaasadeed oo la diiwaangeliyay.
Hasa ahaate 10 ka mid ah axsaabta ayaa soo saaray musharaxiin ku matalayay 33 degmood.
Ra’yi aruurin uu sannadkan gudihiisa sameeyay machadka caalamiga ee jamhuuriyadda ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 70 ee dadweynaha Tunisia aynan ku kalsooneyn xisbiyada siyaasadeed.
In ka badan 7 milyan oo qof ayaa isku diiwaangeliyay ka qeyb qaadashada codeynta .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here