Doorasho ka dhacaysa Hong Kong

Wararka naga soo gaaraya jamhuuriyadda Hong Kong ayaa sheegaya in dad badan ay maanta oo Axad ah u soo baxeen inay ka qeyb qaataan codeyn halkaasi ka qabsoomaysa.
Doorashadan ayaa loo arkaa mid lagu taageeraya madaxa Hong Kong Carrie Lam oo garab ka helaysa dowladda Shiinaha.
Maamulka haweeneydan ayaa tan iyo bartamihii bishii lixaad ee sannadkan dibadbaxyo la tacaalayay.
Shacabka gaar ahaan shakhsiyaadka u ololeeya dimuqaraadiyadda iyo maamul wanaagga ayaa dalbanaya madax bannaani buuxda maadaama xukuumadda Beijing ay farogelin ay iska fogeysay ku eedeynayaan.
Ilaa 1:30 duhurnimo ee saacadda dalkaasi qiyaastii laba saac ka hor waxaa codkooda dhiibtay 1,524,675 qof.
sagaal saacadood kaddib ayaa la soo xiraya goobaha codbixinta iyadoo natiijada hor dhaca ah la filayo wax yar ka hor sadqda dhexe ee habeenimo ee Hong Kong.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here