Doorasho ka dhacaysa Mali iyadoo ay jirto halista Coronavirus

Waxaa maanta furmay goobaha codbixinta ee dalka Mali si ay u qabsoonto doorashada baarlamaaniga ah.
Codeynta ayaa horay dib u dhacday waxayna ku soo aadaysa iyadoo shacabka ay muujinayaan walaac dhanka ammaanka iyo caafimaadka labaduba.
Sidoo kale waxay ku soo beegantay saacado un kaddib markii Mali laga soo sheegay dhimashadii ugu hooreysay ee ka dhalatay caabuqa Coronavirus.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii dhanka kale rag hubeysan ay afduubtene hoggaamiyaha mucaaradka wadankaas Soumaila Cisse
Codeynta maanta dhacaysa ayaa waxaa ku soo baxaya xildhibaano lagu wado inay ku biiraan baarlamaanka dalkaas oo ka kooban ilaa 147 kuraas deegaaneed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here