Doorasho ku celis ah oo ka dhacaysa deegaanka hoose ee Batalu ee Wajeer

Codbixiyayaasha deegaanka hoose ama woodka Batalu oo ka tirsan Waqooyiga ismaamulka Wajeer ayaa maanta ka qeyb qaadanaya doorasho ku celis ah.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa sheegay in codeynta ay si caddaalad ah u dhici doonto.
IEBC ayaa horay wargeyska rasmiga ee dowladda ugu soo daabacday in doorasho ku celis ah ay deegaankaas maanta ka qabsoomayso .
Go’aankan ayaa yimid kaddib markii warqad 3-dii bishii sagaalaad ee sannadkan ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Wajeer lagu sheegay in xilkaas uu bannaan yahay.
IEBC ayaa hoosta ka xarriiqday in warqaddaas ay heshay 6-tii Sebteembar kaddibna ay diyaar garoow guda gashay.
Ilaa afar musharaxiin ah ayaa lagu wadaa inay loolan u galaan matalaadda dadweynaha deegaankaas.
Doorashada ku celiska ah ee maanta la qabanayo ayaa ku saleysan in waxba kama jiraan laga soo qaaday guushii 8-dii bishii sideedaad ee sannadkii 2017-kii u soo hooyatay Mr Ibrahim Nuur Xussen oo helay codad gaaraya 1,099 .
Waxaa natiijadaas aan ku qancin oo dacwad ka dhan ahayd maxkamadda geeyay Mr Xassan Jamaal Cabdi oo nambarka labaad soo galay.
2-dii bishii labaad ee sannadkii hore ayay ahayd markii maxkamadda Wajeer ay laashay natiijadii doorashada ee deegaanka hoose ee Batalu.
Maxkamadda ayaa amar ku bixisay in doorasho hor leh ay dhacdo balse Mr. Ibraahim ayaa taasi ka soo horjeestay oo racfaan ka qaatay waxaana ugu dambeyn la isla tagay maxkamadda ugu sarreysa wadanka oo amartay in codeynta lagu celiyo taaso maanta loo ballansan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here