Doorasho ku celis ah oo maanta ka dhacaysa deegaanka Kibra

Shacabka ku nool deegaanka Kibra ee magaaladatani Nairobi ayaa maanta ka qeyb galaya doorasho ku celis ah oo ay ku soo xulanayaan mas’uul baarlamaanka ku matalo kaddib markii Ken Okoth uu cudurka Kansarka u geeriyooday bishii toddobaad ee sannadkan.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaa qoraallo uu soo dhigay baraha rasmiga ee Facebook-ga iyo Twitarka ku sheegay in goobaha codbixinta ay furmeen 6-dii aroornimo ee saaka.
IEBC ayaa dadweynaha codkooda dhiibanaya ugu baaqday inay si nabad ah doorashada uga qeyb qaataan waxayna shacabka u xaqiijisay in codeynta sida habboon loo maareynayo.
Waxaa xarumaha kala duwan lagu arkayaa safaf dhaadheer oo ay dadweynaha ugu jiraan si ay codkooda u dhiibtaan.
In ka badan hal bil waxaa soo socday loolan siyaasadeed oo aad u xooggan.
IEBC ayaa sheegtay in codbixiyayaasha iska diiwaangeliyay Kibra lagu aqoonsan doono qaab casri ah iyadoo la adeegsanaya hannaanka lagu maareeyo macluumaadka doorashooyinka ee (KIEMS) ka hor inta aan qofku loo oggolaan inuu codeeyo.
In badan oo ka mid ah khuburrada siyaasadda falanqeeya ayaa tartanka xildhibaananimo ee deegaankaasi ku tilmaamay mid u dhexeya ku xigeenka madaxweynaha dalka Dr. William Ruto iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga maadaama labaduba ay si weyn ugu ololeynayeen musharaxiinta xisbiyadooda.
Dad ay tiradoodu gaaraysa 118,658 ayaa ka codeynaya deegaanada hoose ee Sarang’ombe, Woodley/Kenyatta Golf Course, Makina, Laini Saba iyo Lindi.
Waxaa uu loolanka siyaasadeed ka dhexeya 24 musharaxiin ah balse waxaa ugu cadcad Benard Okoth oo wata tikitka xisbiga ODM, McDonald Mariga Mariga oo ku tartamaya xisbiga (Jubilee), Eliud Owalo oo isna matalaya (ANC) iyo Khamiisi Butichi oo ka tirsan Ford-Kenya.
Xoghayaha guud ee xisbiga ODM, Edwin Sifuna ayaa sheegay in doorashada ay si habsami leh u socoto in kastoo magacyada laba qof laga waayay liiska diiwaanka ee goobtii ay doonayeen inay ka codeyaan.
Qaar ka mid ah shacabka deegaanka Kibra ee codeynaya ayaa dareenkooda ku aaddan doorashada iyo rajada ay qabaan sidatan u muujiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here