Doorasho Maanta ka dhacaysa Baydhabo iyo amaankood aad loo adkeeyay

Waxaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay lagu wadaa inay Maanta ka dhacdo doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo ku xigeenadiisa,iyadoo shalay ay khudbadahooda jeediyeen musharixiinta.
Ilaa Shan Musharax ayaa ku tartami doona xilka Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed,kuwaasoo ku kala tartami doonaan laba u taagan xilka Guddoomiyaha,laba u tartameysa xilka guddoomiye kuxigeenka 1iyo mid u taagan qabashada xilka guddoomiye kuxigeenka labaad.
Magaalada Baydhabo ayaa aad looga daremayaa doorashada Maanta,waxaana aad loo adkeeyey amniga Guud ee Magaalada sigaar ah halka ay ka dhaceyso doorashada oo ah Xarunta Baarlamaanka.
Musharixiinta Maanta ku tartami doonta xilalka Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay Magacyadooda kala yihiin.
1: Xildhibaan Cali Saciid Fiqi oo u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka
2: Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nuur oo doonaya xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.
1: Xildhibaan Aamina Isaaq Maxamed oo u taagan xilka guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
2: Xildhibaan Maxamed Nuur Maxamed oo u tartami doona xilka guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
1: Xildhibaan Shamso Maxamed Yaroow oo ah Shaqsiga kaliya ee u taagan qabashada xilka guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Dad badan ayaa u saadaalinaya in xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed uu ku guuleeysan kara Xildhibaan Cali Saciid Fiqi oo ahaa Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub ahan musharaxa uga cadcad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here