Doorasho madaxtinimo oo ka dhaceysa Tunisia iyo xaaska madaxweynihii Tunisia Chadlia Caid Essebsi, oo geeriyooday

Waxaa dalka Tunisia maanta ka dhaceysa doorashada madaxtinimo oo ay isku soo sharraxeen 24 qof oo ay ka mid yihiin laba haween.
Tirada musharaxiinta madaxtinimo ayaa horay ahayd 26 ka hor inta laba ka mid ah aynan loolanka isaga bixin.
Waxay dhammaantood doonayaan inay la waregaan hoggaanka dalka oo bannaanaaday kaddib markii madaxweyne Beji Caid Essebsi uu geeriyooday bishii toddobaad ee sannadkan.
Madaxweynaha Tunisia ayaa leh awood buuxda oo ku aaddan xeerarka arrimaha dibadda iyo gaashaan dhigga .
Waxaa uu sido kale hor istaagi karaa ku tallaaba qaadka sharci uu baarlamaanka ansaxiyay.
Qofka ay guusha raacayso ayaa laga doonaya inuu helo boqolkiiba 50 ee codadka haddii uunan jirin qof musharax ah oo helo aqlabiyadda codadka, labada ugu horreeya ayaa u gudbaya wareegga labaad.
Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya inay geeriyooday xaaska madaxweynihii Tunisia Chadlia Caid Essebsi, iyadoo wareegga labaad ee codeynta ay socoto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here