Doorasho madaxtinimo oo ka socoto dalka Guinea-Bissau

Waxaa dalka Guinea-Bissau ka socota doorashada madaxtinimo ee wadankaasi taaso la filayo inay xasilooni horseeddo kaddib sannado badan oo uu isqabqabsi siyaasadeed jiray.
In ka badan 760,000 qof oo codbixiyayaal ah ayaa isku diiwaangeliyay inay codeynta ka qeyb qaataan.
Goobaha codbixinta ayaa furmay 7-dii subaxnimo ee saaka waxayna soo xirmayaan 5-ta galabnimo.
12 musharaxiin oo dhammaantood rag ah ayaa tartan ugu jiro inay qabtaan hoggaanka ugu sarreeya ee Guinea-Bissau.
Madaxweyne Jose Mario Vaz ayaa doonaya in mar kale la soo doortay si uu talada u hayo 5 sano oo dheeraad ah.
Dalka Guinea-Bissau ayaa waxaa tan iyo sannadkii 1974-tii saameeyay ilaa sagaal isku dayo afgembi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here