Dowlada dhexe ee Soomaaliya oo qalab Caafimaad ku wareejiyay Koonfur Galbeed

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Talaadada maanta ah waxaay Agab iyo dawooyin Caafimaad gaarsiisay xarunta karantiilka Covid-19 ee maamulka K/galbeed Soomaaliya uu ka hirgeliyay Magaalada Baydhabo.
Qalabkaan oo dhawaan Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay sheegtay in la siinayo Maamul Goboleedyada ayaa waxaa loogu talo galay ka hortegida faafitaanka Cudurka COVID-19.
Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dowladda Soomaaliya kala wareegay qalabkaan iyo dawooyinkaan oo noocyo kala duwan leh,iyagoo ka mahad celiyey.
Masuuliyiinta Maamulka K/Galbeed ayaa waxaa sheegeen inay difaac uga jiraa Cudurka Coronavirus,waxaana jirin kiis la xiriira Coronavirus oo ilaa iyo hada laga diiwaangeliyey deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here