Dowlada Dhexe oo Fasaxday Dhaqaalihii maamul goboleedyada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maamul Goboleedyada iyo Gobolkan Banaadir waxaay u fasaxday lacag ka mid ah deeqaha Caalamka oo ugu deeqay Soomaaliya gaar ahaan Midowga Yurub taas oo gaareysa lix milyan oo dollar.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in lacagtaasi ay tahay deeqaha Caalamka ugu talo galay Soomaaliya,isla markaana maamul walba loo dirayo min Hal Milyan oo dollar.
Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir laga doonayo in lacagtaan Halka Milyan ah ay inta ugu badan ama laba meelood u isticmaalaan dhinaca Amniga iyo Arrimaha Bulshada inta soo hartana Go’aankeeda ay iyaga iska leeyihiin.
Ugu dambeyn Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa loogu baaqay inay soo gudbiyaan warqad Codsi ah oo ku Saabsan sida loo isticmaalayo lacagta loogu deeqay,isla markaana ay heystaan mudo 45 Cisho  gudahooda ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here