Dowlada dhexe oo Hirshabeelle Qalab Caafimaad gaarsiisay.

Xubna ka socda Xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya iyo Guddiga Qaran ee la tacaalida Cudurka Covid19 ayaa gaaraysiiyay Magaalada Jowhar qalab loogu Tala galay ka hor taga iyo la tacaaladi Viruska Corona.
Wasiirk ku xigeenka wasaarada caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya Maxamed Saciid C/laahi iyo xubin ka socotay Xafiiska Ra’islwasaaraha ayaa sheegay inay talaaabadaan qayb ka tahay dadaalka dowlada dhexe ee la xiriira xakamaynta faafitaanka cudurka ayadoo la doonaya in dhamaan dowlada ismaamulada ay awood u yeeshaan inay deegaanadooda ku baaraan dadka xanuunka looga shakiyo.

Wasiirka Caafimaadka Hirshabelle ayaa dhankiisa dowlada dhexe uga mahadceliyay Talaabadaan isagoo xusay inay qayb ka qaadanayso dadaalada cudurka ka dhanka ah ee ay wadaan.

Dhanka kale Ra’isulwasaaraha xukuumada Fedraalka Soomaaliya ayaa beesha Caalamka kala hadalay xaaladaha dalka Soomaaliya iyo sida ay u garab istagi karaan xiligaan adage e dalku wajahayo xaalada caafimaad.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo mas’uuliyiin ka socota midawga Afrika, IGAD, Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Turkiga, Ingiriiska, iyo Mareykanka, ayaa Mareegta Internet-ka ku yeeshay kulan heerkiisu sarreeyo oo looga hadlay arrimaha Soomaaliya.
Kulanka ayaa looga dooday horumarka ay ku tillaabsatay dowladda Soomaaliya, caqabadaha jira iyo tillaabooyinka xiga ee dib-u-kabashada dalka.
Xasan Cali Khayre Ra’isulwasaaraha Soomaaliya waxuu sheegay in hoggaanka dalka ay ka go’antahay dib-u-habeynta hey’adaha dowladeed, in lagu taagnaado wadada dib-u-kabashada dhaqaalaha iyo in lagu guuleysto Soomaaliya nabad iyo barwaaqo ah.
Dhammaan mas’uuliyiinta ka qayb galay kulanka ayaa ballan qaaday inay sii wadayaan taageerada dowladda Soomaaliya ay la garab taaganyihiin si loo gaaro himilooyinka ummadda Soomaaliyeed ee qaran isku filan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here