DHAGEYSO:Dowlada dhexe oo la filaya in ay maanta tallabooyin dheeraad ah ku dhawaaqdo

Dowladda ayaa waxaa maanta laga sugayaa inay ku dhawaaqdo tallaabooyin dheeri ah oo ku aaddan xakameynta faafitaanka cudurka Coronavirus kaddib markii ay galinkii dambe ee shalay shaacisay in la xaqiijiyay in 25 qof ay cudurka qabaan.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa tilmaamay in ay jiraan dad aan u hoggansamin awaamiirta ay dowladdu soo saartay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay maanta tallabooyin dheeraad ah Kenyaanka la wadaagi doonaan.

Qaar ka mid ah Kenyaanka ayaa sheegaya inay ka cabsi qabaan in dowladda ay  gebi ahaanba  xayirto isku socodka dadwwynaha   maadaama  madaxda qaar ay  sidatan  soo jeediyeen

Sida laga soo xigtay Mr ,Mutahi Kagwe, qaar ka mid ah dadka Kenyaanka gaar ahaan shaqaalaha gaadiidka dadweynaha ayaa iska indha tiraya amarrada Dowladda ka soo baxay.
Waxaa uu wasiirka caafimaadka ku adkeeyay in shakhsiyaadkan ay u hoggaansanka tallaabooyinka lagu dhawaaqay ka doorbidayaan sida uu hadalka u dhigay in ay noloshooda iyo midda rakaabka ay sidaan ay halis geliyaan.
Waxaa kale oo uu waaliidiinta uga digay in ay shaqaaleysiiyaan shaqaalaha guriga inta lagu howlan yahay ka hortagga faafitaanka cudurka Covid-19 wuxuuna kula dardaarmay inay si gaar ah ula socdaan xaaladda carruurta yaryar.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sido kale shaaca ka qaadday in hadii aad la nooshahay qof xanuunnada iyo dhibaatooyinka u nugul lagaa doonaya inaad yareyso waqtiga aad la qaadato.
Tani ayaysan micnaheedu takoor ahayn balse waa talo caafimaad maadaama dadka sida waayeellada iyo kuwa qabo xanuunnada gaarka ah ay u nugul yihiin inuu saameeyo cudurka Covid-19.
Meelaha lagu talinaya iniidan waqti badan ku wada qaadan waxaa ka mid ah goobta cunnada lagu kariyo iyo fadhiga.
Dhammaan Kenyaanka ayaa loogu baaqay inay Dowladda garab ku siiyaan tallaabooyinka iyo amarrada ay soo saartay.
Sido kale waxaa karantiil Khasab ah lagu sameeynaya cid kasta oo la rumeysan yahay inay la macaamisha qof cudurka laga helay.
Shalay ayay ahayd markii Dowladda Kenya ay la wareegtay qalabka baaritaannada Coronavirus oo dhan 25,000 kuwaasoo uu ku deeqay maalqabeenka u dhashay Shiinaha ee Jack Ma.
Dhanka kale saqda dhexe ee caawa ayaa lagu wadaa in la joojiyo duulimaadyada caalaamiga ee dalka imaan jiray ama ka safray jiray kaddib amarkii Axadii la soo dhaafay ka soo baxay Dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here