Dowlada Dhexe oo la waregtay howlaha Ismamalka Nairobi

Dowlada dhexe ayaa la wareegtay mas’uuliyada ismamaulka Nairobi, ka dib heshiis tarriikhi ah.
Guddomiye Mike Sonko, Wasiirka dowalda wadaajinta Eugene Wamalwa Iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa shalay galab saxiixay heshiiska, taasi oo u wareejineysa howlaha iyo shaqada Ismaamulka Nairobi dowlada dhexe sida ku qeexan qaybta 187-aad ee dastuurka.
Saxiisa heshiiska ayaa ka dhacay aqalka madaxtooyada State House, Nairobi waxaana goob joog ka ahaa afhayeenka aqalka Senetka Kenneth Lusaka iyo xeer ilalaiyaha guud Paul Kihara.
Dowlada dhexe ayaa la waregeysa howlaha ismamulka Nairobi ee kala ah , Adeega caafimadka ee Ismamulka, Adeega gaadiidka ee ismamulka, Adeega dadweynaha ee ismamaulka iyo qaybta ismaamulka ee qorshaynta iyo hormarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here