Dowlada Jabuuti oo Mashaariic ka fulinaysa Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ku Sugan dalka Jabuuti ayaa kulan laqaatey Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle
Kulanka ayaa labada dhinac waxaay kaga wada hadleen arimo Farabadan oo kamid ah sidii Mashaaric Horumarineed Dowladda Jabuuti ay uga Hir-gelin laheyd Dekada Baraawe Isbitaalka Magaalada Marko ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Meelo kale oo koonfur Galbeed ka tirsan.
Dowladda Jabuuti ayaa dhankeeda Balan qaadey Inay sida uga dhakhsi badan Mashaariic Horumarineed uga fulindoonto Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa balan Qaaday in Isbitaalka Degmada Marka la dhisi doono, Isla markaana ay qalabeyn doonaan isbitaalkaas si loogu fuliyo adeegyada Cafimadka ee shacabka kaga baahan yihiin.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Gudoomiyaha Mamulka Marsooyinka iyo Goobaha ka Caagan Canshuuraadka ayaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle u bandhigay in dhismaha Dekada Baraawe ay dhisi doonto Dowlada Jabuuti wuuna Soo dhaweeyey.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada muqdisho oo uu markii hore ka ambabaxay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here